"When I fled to the IDP camp with my family, we had nothing, but I did notice a huge amount of young children in the camp. Children that fled from a conflict that they didn’t choose but were forced into. Children whose hopes were dashed due to senseless violence. They could barely do anything, just idly wasting their time and their youth. Then this amazing Somali woman that voluntarily ran the camp approached me. She asked me what my occupation was before I fled. I said I was a madrassah teacher. She told me that she didn’t have much money but let’s make a deal. I will pay you $100 from my own pocket for the sake of God, and I ask you that you accept it and for the sake of God make use of your skill and become their madrassah teacher. I accepted it and now teach every day around 150 of these children, including my kids. The girl that I’m holding is my youngest child. I love teaching them, and I love their innocent though their young lives witnessed lots of sorrow. If you honestly do something for the sake of God, things that will benefit your fellow humans without asking for a repayment, it will nourish your soul."
"Xiligii aniga iyo qoyskaygu u qaxnay xerada barakacayaasha, waxna maanan haysan. Laakiin waxaan ku arkay oo meeshas markaas joogay caruur farabadan. Caruur kasoo qaxay dagaaladdii ka socda dalka, dagaal aysan dooran oo barakacayaal ka dhigay. Waa caruur rajadoodu tahay in lasoo af jarro dagaaladan ku dhisan macno la’aanta. Waxaan dareemay inay wakhtigooda iyo yaraantooda luminayaan madaama aysan jirin wax ay qabtaan. Wakhti kadib waxa i timid gabar Soomaaliyeed oo aad u qiimo badan, masuul ka ahayd xerada barakacayaasha. Kadib waxay i waydiisay xirfadayda shaqo ku shaqeyn jiray intii aanan soo qixin. Waxaan u sheegay in aan ahaan jiray macalin dugsi/malcaamad. Kadib waxay iga codsatay in aan aqbalo in aan dugsi/malcaamad xerada ku taala macalin ka noqdo dar ilaahay caruurtana wax u baro. Gabadhu waxay I sheegtay in aysan hayn lacag laakiin ay jeebkeeda ka bixinayso, lacag boqol dollar ah bishii, ay igu tiri anigana waan sadaqaysanaya, adigana sadaqayso. Markaas ayey iga codsatay in aan aqbalo macalinimada. Aniguna waan aqbalay in aan noqdo macalin, hada ardayda aan macalinka u ahay waa 150 arday oo caruurtayda ku jiraan. Gabadha korka u hayo waa gabadhayda, ayada ugu yar. Waan jecelahay in aan waxbaro caruurtan, iyagu danbi malaha noloshooda inta badan waxay goobjoog u ahaayeen waxyaabo tiro badan islamarkaana murugo u badnaa. Hadii aad ilaahay dartiis u samayso in aad caawiso qof bani’adam ah adigoon ka sugayn abaal celin, taasi waxay caawinaysa naftaada in aad waxbadan kuu kordhaan."
(Xerada Barakacyaasha Gudaha)