Maamulka Waxbarashadda ee G.Sanaag oo iska difacay eedaymo loo jediyay Ceerigaabo-(Berberanews)-Guddomiye ku xigeenka wasaarada waxabarasha ee gobolka Sanaag mudane Ibraahim Ducaale Xuseen oo shir jara’iid ku qabtay xaruunta Wasaarada gobolkaas ayaa ka jawaabay edaymo la soo jeediyay kuna tilmaamay eedaymahaas qaar aan sal iyo raad toon lahay isla markaan dadka eedaymaha u jeediyay maamulka Wasaarada waxabarshada gobolka Sanaaga aanay ahayn qaar ehel u ah waxbarshada isagoo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi ‘’ kulankeenani waxaa uu daaranyahay shaqsiyaad dhawaqoodu na soo gaadhayo oo ka soo hadalay degmada Gar-adag todobaadankan aynu ku jirno gudihiisa oo eedaymo usoo jeediyay Wasaarada waxbarashada gaar ahaan Guddoonka gobolka, hadaba ugu horayan halkan waxaan ka cadaynayaa dadkaa hadalay ee bulshada dhawaqoodii gaadhay inaanay ahayn dad ehel u ah waxbarshada oo aanay ku jirin Macalimiinta tabarucaadka ku shaqeeya iyo kuwa mushaharaka qaata ee dawlada u diiwaan gashan’’.
















