Ma taqaanaan sababta #Soomaalida rooxaamaha iyo jimanku ugu dhacaan ee: 1. looga shido, ama 2. Looga Tumo, ama 3. Looga cuudiyo!? balse ayna #Cadaanka waxaasu ugu dhicin!? * Sababtu waxaa weeye qofka cad #Cuud iyo #Barfuum iyo #Udgoon oo dhan baa lagu anqariyaa, lagu biilaa, oo lagu qulaamiyaa -ileen dalalkoodaa udgoonkoo dhan soo saaroo agtooduu Ka buuxaa, inaga hayn fiicanoo jeebku ma ciilee- marka #Ruuxdoodu way dharagsan tahay wayna caafimaad qabtaa. * #Jidhku cuntada iyo cabida iyo ciyaaraha sariirta buu Ku noolyahay, #Ruuxdu udgoonka iyo aragyida muuqaalada qurxoon iyo dhagaysiga codadka macaan iyo muusigga baa nafaqeeya. Marka sababta soomaalida ay ugu dhacaan alaabtii aan hore usheegay waa: udgoonka iyo carafta ma soo saarno, kuwa aduunkaa kale sameeyee inoo yimaadana waa qayb iska tayo liidata iyo qayb iska qaaliya ah oo Dadka badankoodu ayna goyn Karin, inta goyn kartana ay Ku nacayaan siciradaas sareeya, Dhanka codadka macaanna #BbcSomali iyo #VoaSomali oo dagaal iyo isku dir Ka sheekeeya la dhagaystaaye codadka macaan lama badsado, iyadoo #muusiggiina Dadka ay wadaado casriya oo carabtu dhawaan soo dirtay Ka fadareeyaan. Marka dadkeena QOFKA RUUXDIISA GAAJAYSAN BAA JIN IYO ROOXAAMO CAMAL KA DUL HADLI.













