Suaashani waxaa iska leh inta Garoob ah (Rag/Dumar) Waxay dhahaan reer hore ayaa iga burburay. Haye, waxaan rabaa inaan helo mid ka khayr roon qofkii hore! Kow. Sidee iyo halkeen ka helaa sheekhow? Waa suaasha ugu badan ee la iweydiiyo. Waxaan idin weydiinaa suaashan oo aan ku qaadano casharka ka hadla Furiinka iyo dhibkiisa iyo maxaa ka dambeeya Furiinka. Suaashu waxay tahay? Marka aad ku jirto qorsheynta guurka furiinka ka dambeeya. Ma isweydiisay wali, Maxaad ku lahayd masuuliyad burburka reerkii hore? Maxaad ka badashay Fikirkaaga iyo dhabacaad si aad ugu guuleysato nolosha qoyska aad dhisi doonto insha Allah? Ku talogal qofka aad la kulmi doonto inuu noqon doono labo midkood: 1- Qof sidaada soo maray guur hore oo isaguna dhaawacan oo raadinaya qofkii mala dhayi lahaa dhawaaca uu wato. 2- Qof kuba cusub nolosha guurka oo bilow ah laakiin sawir caajib ah ka hasta nolosha guurka siyaabo badan (Waxaa u badan gabdhaha arinta) isla markaana haysta riyooyin uu rabo inuu hirgaliyo ay ka mid tahay inaad la wadaagto nolol raaxo badan laakiin nasiib darro si rasmi ah ugama warqabo inaad dhaawacan tahay oo ama waad ka qarisay inaad reer hore soo martay. Ama kuma baraarugsanaba baahida uu qabo qof reer hore soo maray ee tiisa uun baa u cad. 1- Maxaa lagaa rabaa inaad samayso markaa tahay:Nin Guursanaya gabadh reer hore soo martay? 2- Maxaa lagaa rabaa inaad samayso markaa tahay Gabadh uu guursanayo Nin reer hore soo maray? 3- Maxaa lagaa rabaa inaad samayso markaa tihiin labo dhaawacan oo reer hore ka soo burburay oo waliba ay dhici karto labadiinuba inaad caruur wadataan? Haye ku darso maxaa kaaga baxay? F/G: 👉Dhaawacan waxaa laga wadaa: Niyad jabsan, Murugeysan, Xanaaqsan, Isciilkaamayo. Emotionally Hurted. Maxaa la samayn karaa? Talooyin usbuuca dambe naga sug insha Allah inkasta oo casharada lagu qaato arimahan. Waxaan kugula talinaynaa inaad casharo ka qaadato meeshaad doonton, laakiin aqoonta aad kororsato insh aallah. Mahadsanid. #HFA2020_MC #Happyfamilyacademy2020 https://www.instagram.com/p/B-VvO48ljNz/?igshid=1haslzrlo04td













