#JIDKII_SIRAAD: Muuqaalku waa galabta xilli anoo lugaynaya aan #Jidka_Pettarani soo Dul marayay. Dadku baabuur bay wada wateen oo wax lugaynaya oo aan aniga ahayn ma arkaynin!! Waan u naxay dadkaa lugta ayna isku fiicnayn ee qiyaame sugayo iyo jidkii siraad ee dheerarka badnaa!! ¥ Lugaynta qiyaame waa qasaboo ¥ Malaaigtu qoolal bay sidanoo ¥ Adoo waligaa qurbaha jiray oon ¥ Qaalmiyo geel hormaymin bay Ku qaban ¥ "Qasab Ku ruclee"na way Ku odhan!! #Aakhiro_Dadku markii ay tagaan waxay dul lugayn doonaan #Jidka_Siraad baa la yidhiye soo inaynu lugta sii barano qasab noqon mayso!?😂😂😂 Fikrad baan hayaa socodka badan ee jidka siraad looga badbaadayo! Lugtaa faraha badan iyo oorodkaa dheer ee #marathon-ka u eg kuma qasbanin, xal baan u hayaa: #Anigu markii aan dhiman rabo waxaan dardaarmayaa in laila xabaalo gaadhi #limousine ah, gaadhigaas ayaan janada u kaxaysanayaa. Ogow #Janada hub lalama gali karo iyo qaraxyo, laakiin gaadhi muxuu halaynayaa!?? Wadaaddaa janada u maleeya inay u dhisan tahay sidii #Tuulo_Dad_Cawaanah_Daganyihiin oo ayna jidad iyo parking toona lahayn!! Culimadaasu taladayda ma qaadan doonaane waxay kutubta Ka baadhi doonaan sidii ay gaadhigayga u gaalayn lahaayeen, oo janada uga hor istaagi lahaayeen 😏😏😏😏😏😏