Nin baa jirey lahaa afar wiil. Wuxuu doonay in wiilashiisu ay wax-bartaan oo aysan noqon kuwo si fudud oo degdeg ah wax u qiimeeya. Markaasuu mid walba baaritaan u diray, si uu u aado oo u soo fiiriyo geed Canbaruud (Pear) ah oo meel aad uga durugsan ku yiillay. Wiilkii ugu horreeyay wuxuu aaday xilli Jiilaal ah, kan labaadna Gu’, kan saddexaadna Xagaa, iyo wiilka u yar oo isna aaday xilli Dayr ah. Markii ay wada tageen oo ay soo noqdeen, wuu isugu yeeray, si ay ugu sharraxaan wixii ay soo arkee















