Aqoon Kororsi:- Wax Badan Aadan Ogeyn Ka Baro Mucjisaadka Nabiga CSW.
Mucjisaadka Nabiga CSW, Wey Fara Badan yihiin, Rabbina Rusushiisa Dhamaantood Wuxuu Siiyay Mucjizaad Kala Duwan. Hase ahaatee, Waxaan soo Qaadanayaa Hal Mucjizo uu Nabi Muxamed CSW Lahaa, Sababna u Noqotay In Maamo Da’a ah ay Diinta Islaamka soo Gasho. Nabiga CSW, oo Suuqa Dhex Maraaya Ayaa Wuxuu Arkay Haweeney Da’a Ah oo Wadday Xaabo Ama Qoryaha Dabka Lagu Shito, wuxuu ku yiri:- Aan Ku Caawiyo oo Aan kuu Qaado Xaabada, weyna Ka Ogolaatay, Wuuna u qaaday Ayadoo Aan Aqoon ulaheyn inuu yahay Nabi Muxamed CSW. laakin Maqal Ahaan wey Maqashay Been Iyo Xumaan ay ku Dacaayadeyn Jireen Kufaarta Qureysh, ayadana wey Aaminsaneed Hadalkooda. Haddaba, Markuu Gurigi ugeeyay Ayey ku tiri:- Wiilkeeygoow Waxaan ku Siiyo Mahaayo laakiin, Talo Ayaan Ku siinayaa. Nabiga Wuxuu yiri:- Talada i sii aan kaa Dhageystee. Waxey ku tiri:- Magaaladan Waxaa Jooga Nin Sixiroow Ah oo la dhaho Muxamad Ibnu Cabdullaah, ee Iska Ilaali. Nabiga CSW, Isla Markiiba wuxuu ku yiri:- Muxammadka aad Sheegeysid Waa Aniga Hooyo. Islaantii Ayaa intey Naxday la soo Booday ma Ninka Sidan u Wanaagsan Ayaa Muxammad ah? Kolkaas ayuu Nabiga CSW, yiri:- Haa waa Aniga. Haddaba, Hooyadii isla Goobtii ayey ku Qirtay Ash-hadanka. ﻥﺃ ﺪﻬﺷﺃ ﻻ ﻻﺇ ﻪﻟﺇ ﻪﻠﻟﺍ ﻭ ﺪﻬﺷﺇ ﻥﺍ ﺪﻤﺤﻣ ﺮﻟﺍ ﻝﻮﺳ ﻪﻠﻟﺍ (Ash-haddu an Laa ilaaha Illalaah, Wa Ash-hadu Anna Muxammada Rasuulu laah). Haddaba Nabigeena Muxammas CSW, wuxuu ahaa Mid Naxariis Badan oo Dadka u isxaan Fala oo Diinta Islaamka usoo Halgamay, wuxuu Ahaa Macalinkii Umadda, Wuxuu Ahaa Kheyru Khalqilaah. Wabilaahi Towfiiq. W.Q:- Macoow Ustaad.









