Qaadka/Jaadka Kenya laga dhoofiyo ee Soomaaliya la geeyo waxaa lagu xiray shuruudahan, dowladda Soomaaliya ayaana shuruudahan kusoo rogtay Kenya. 1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. #calisuxufi #gobolkabanadir #gobolkabanaadir #gaaboowmedia https://www.instagram.com/p/CEXTeZsnh2x/?igshid=3ic2dqdnstl0












