– Aad Beey u fiicantahay inaad noqotid qof jaceylkiisa ugu horeeyay, balse waxaa kasii fiican inaad noqotid qof jaceylkiisii ugu danbeeyay. – Ma caane mararka qaar ee aan dib kuu riixayo, waxaan doonayaa adigana inaad isoo jiidato si aan kugu soo dhawaado, sidaa awgeed ka raalli noqo ficilada aan ku dhaqmayo maxaa yeelay waxaa iga keenayo jaceyl xadkiisii gudbay. – Da reenka aan kuu qaaday wuxuu ka biloowday indhaha, si toos ah ayuu wadnaha u qaraacay, dareenka iyo xusuusta aad isiisay ma ahan mid aan iloobi doono intaan noolahay. – Ha dii aad dareento inuu wadnahaada said u qaraacmayo, dhagta saaro hadii aad aragto inuu dhawaaqayo, micnaheeda aniga ayaa gudaha kazoo dhex wactamayo waxaan doonayaa halkaasi inaad iisoo dhex gashid si aan ebid ugu dhex noolaano kuleyl-ka gudaha xinjiraha wadnaha. - Macaan igula qosol si qof aan ebidkiis ilmeeynin,igula ciyaar si qof weligiis wax u tabin, iijecloow si qof aan weligiis dhaawicin, Iigula Nooloow si ayadoo maantay nolol noogu danbeyso beri aaysan jirin. Waan ku jeclahay. – Dhaqaaq walbo oo wadnaheyga qaraacmo waxaa igu sii saaidayo jaceylkaaga, sikin walbo oo isoo marto jaceylkaaga wuu igu sii xoogeysanayaaa, magaran karo sidaan hal daqiiqo oo dhameystiran la’aantaada u noolaan karo. – Qa lbigaaga gudihiisa waa gurigeygii kululaaa, waxaan jeclahay inaan xili walbo halkaasi ahaado, sida Subax, Duhur, Habeen iyo sikin walbaba. – Xabiibi markii aan kaasoo tagay ee aan imid goobteeydii shaqada, waxaan dareemay inuusan wadnaheyga qaraacmeyn waan taabtay waan iska baaray, si walbo ayaan u raadiyay, ugu danbeyntii waxaan xasuustay saakay markii aan kaasoo tagayay ee aan ku shuminayay inaan wadnaheyga adiga kaaga soo tagay. Intaasi ayaan kusoo koobayaa xikmadaha isbuuca intii aan dib ugu kulmi doono isbuuca xigo iyo qodobo kuwaan la mid ah waxaan idin kaga tagayaa erey kooban “Hadii iilka leysla gali karo aduunyada kaagamaan tageyn.”