#Hantavirus. Tan iyo markii uu cudurka corona virus ku baahay dunida oo dhan isla markaana uu yeeshey saameyn dhinacyo kala duwan (naf, dhaqaale iyo kuwo kale) ayaa maanta majaladda #Global_times sheegtey in maanta uu u dhintey cudurka qof saarnaa gaari rakaab ah oo isugu gooshayey laba gobol oo ka tirsan shiinaha. Hadaba, aannkusiiyo xog kooban oo kusaabsan caabuqan #Hantavirus. Xarunta xakameynta cudurada ee marka mageceeda lasoo gaabiyo la yiraahdo CDC ayaa sheegtey in viruska Hantavirus uu yahay mid asal ahaan ku dhaca xayawaanada gaar ahaan Jiirka(Dooliga)isla markaana uu sababo cudurka Hantavirus disease, wuxuu noqdey mid kasoo gudbey xayawaanada oo usoo gudbay bini aadamka wuxuuna noqdey hantavirus disease in people. Ereyga Hantavirus ameerikaanka xagooda waxaa lagu dhahaa "#New_world" oo mecneheedu yahay dunida cusub, viruskan wuxuu toos u weeraraa xubno kala duwan oo jirka uqabta shaqooyin muhiim ah, kuwaasoo aykamidyihiin. 1- Sambabada wuxuu ku sababaa cudur lagu magacaabo "Hantavirus Pulmonery Syndrome" (HPS). 2- kaliyaha wuxuu kusababaa cudur lagu magacaabo (HFRR)- hemorrhagic fever with Renal Syndrome. Cudurkan ayaa imaanayaa kadib markiis dhamaadka sanadkii hore uu gobolka wuhan ee shiinaha uu aad ugu baahay caabuqa dunida kubaahay ee Corona Virus kaasoo illaa iyo hadda ku dhacay dad tiradoodu ay kor udhaafeyso (#400,000), isla markaana ay u dhinteen dad kor udhaafaaya (#16,500)qof #calisuxufi https://www.instagram.com/p/B-II7gun0vR/?igshid=xniz3hkjumj