#somaliainfovideo #somaliainfo Laba Alshabaab oo Lagu Fuliyay Dil Maanta Laba Alshabaab ahaa oo La Toogtay Maanta Labadaan wiil ayaa lagu helay inay ka tirsanaayeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, islamarkaana ay ku lug lahaayeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo khaarajin oo lala beegsaday muwaadiiniin iyo hay’ado Soomaaliyeed. Canshuur Cusmaan Abuukar oo 23 jir ahaa iyo Maxamed Cali Boorow oo 25 jir ahaa lagu toogtay dugsiga booliiska. Labadaasi nin ayaa maxkamaddu sheegtay inay ku lug lahaayeen weerarro ay ka mid ahaayeen kuwo lagu dilay Xoghayihii ururka haweenka Canab Cabdullaahi Xaashi iyo weerarkii uu ku dhintay weriye Cawil Daahir Salaad. https://www.instagram.com/p/B0yU8HqH7DM/?igshid=kaihko9doj8l






